Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi.

“Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk.

Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi.

Waxa kaloo uu yiri “Tani waa markii ugu horreysay oo aan halkan ka sheego, qofkan waxaa lagu soo geba-gabeeyay hawlgal ay MIT fulisay.”

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. 

Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero, waxayna ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

Daacish ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee Daacish lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya.

Daacish ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo Ciraaq iyo Suuriya ah sanadkii 2014-kii, waxaana madaxii xilligaas Abu Bakar al-Baghdadi uu kaga dhawaaqay khilaafaad Islaami ah dhulalka ay ku nool yihiin malaayiin.

Balse Daacish ayaa lumiyay awooddii ay ku haysay dhulkaas, kadib hawlgallo ay sameeyeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale ciidamada Suuriya oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo ciidamo kala duwan.