News In English K24 Youtube SEKANO GROUP
visitor analysis

Dhibaato kuwii u walqalow waataa eh dhinac u dhaqaajiya.

Federalismuhu waa curin khilaaf cusub, waa caqli dib-u celin, waa qaran jabin 
fakarka federaalka ee xambaarsan kala qaybinta, isku dirka iyo qaran jabka an wax baahi ah oo khasabay haba yaraatee ayna jirin ayaa ah  wax dibad laga soo galiyey..

Federaalku waa haadaan ka dhac loo marinayo somalida laab la kac. Federalismaha somaliyeed waa dhul u aqoonsi beeleed, ka noqosho fakar midnimo iyo qaranimo, waa u noqosho qabaa’il iyo qaybsanaan.

Waa ka been sheeg bu’da   khilaafka somaliyeed  u salka ku hayo iyo ka weecin baadigoob xal daa’imi kara. Somaliyi waxay isku qoonsatay sad-kala bursi(ha jiro ama yuu jirine)kaa saana u baahnaa in xal loo helo, iskuma qoonsan somaliyi dhul kala lahaansho. Federaalismuhu wuxuu ka dhigan yahay ayado, meeshii xal loo baadi goobi lahaa cudurka qofku sheeganayo  si ula kac ah loogu mudey irbad u ku jiro cudur usan horay u qabin oo kumanyaal jeer ka sii daran kii horay qofku u sheeganayey.  Waa xaalad u eg qof tbc ka daaweyn u baahnaa oo takhtarkii u tagay ku talaalay HIV.

  
Waa asaas sharciyeed in somalida qabiilba dhul loo asteeyo. Micne innaba ma samaynayso, suurogalna ma aha oraahda beenta ah ee sheegeysa in dadyoow ga dowlo goboleedyadu sidaasi si cadaalad ah wax u qaybsandoonaan.

Gobollada somaliyeed 80% waxaa wada dega beelo xataa an hayb kore wadaagin waxaana maantaba jira mustaqbalkana federaalku (haddaan hadda la joojin ) circa ku sii shareeri doonaa in beelaha isbidayaa in ay ugu taag  roonyiin dowlad goboleedyadu ay doonayaan ama samayn doonaan in ay kuwa kale cagta hoosteeda galiyaan.

Ma la rari xageese loo rari beelaha ku yar-yar meesha beel loo aqoonsaday sidii loo kala raray dadka Hindiya iyo Pakistan mise waxaa la dhihi beesha weyn hoostaga oo muwaadiniin heerka 2aad iyo 3aad ah  ahaada?  

Beelaha ayna jirin dhul ayagu ugu badanyihiin oo loo astaameeyaa , ma meesha ay degan yihiin yey muwaadiniin heerka 2aad ama 3aad ku noqon ?

Beesha gudaheeda qiimaynta iyo ka faa’íidaysiga wax walbaa miyuusan ku salaysmidoonin dhalasho iyo laandheernimo meesha ay ahayd in wax kastaa qiimayntoodu ku salaysnaato waxtarka qofka? 

 Haddaan federaalku dhul kala qaybsi ama goofaf qabsi ahayn ha naloo sheego waxa ay yihiin waxa ka taagan Kismaayo? Naloo sheego waxyaabaha ay dhasheen khilaafyada ka taagan puntland iyo Somaliland? Xamar oo noo ah  “caasimad” miyuusan ahayn maanta goob qabiil kaliyihi sheegan?   

Mushkiladu ma aha(haddaan la iska indho tireyn) in loo arko kismaayo iyo dadyowga dega ee waa goof qabsashada federaalka ku dhex daahsoon ee si khiyaamo ah loogu soo minguuriyey dalka oo nalagu habbiyey waxayna ka taagan tahay ama degdeg uga soo ifbixin doontaa meel kasta. 

Mushkiladu maha kismaayo ee waa federalismaha an laga fiirsan ee reer Ngo nalogu soo dhiibey ee nalagu kala kaxaynayo oo nalagu babinayo meeshii xal dhab ah laga baadigoobki. Dhibtu federaalka yey ku jirtaa oo keenay kala qaybsi iyo la kala carar dalkii la wada lahaa ee waligi lagu wada noolaan jirey. Saan kor ku sheegay Gofaysi ma ku diririn somaliyi ee waxay ku dirirtay dareen sad-kala- bursi, kan yey tahay in loo helo xal. ma aha mushkilo an jirin in la abuuro intii tan jirta xal loo goobi lahaa.

   
Waxaa soo baxday lixdameeyadii hees la yiraahdo: af qalaad aqoonta miyaa?
Heestaasi waxay jawaab u ahayd oo ay meesha ka saartay dhaqan an wanaagsanayn oo ka soo ifbaxayey dhallin yaro iskuulo gudaha iyo kuwo dibadda ah tagtay oo faan ka dhigtay muujinta iyo ku hadalka afaf qalaad oo ayna wehelin aqoon  sal mug leh ku fadhIda. Dhallinyaradaasi waxay isu arkeysey ama doonaysi in loo arko dad maqaam sare gaarey mudanna xil sare qabasho iyo xurmo gaara. Aragtidooda, af qalaad aqoontiisu waxay ka dhignayd aqoon buuxda, shaqo sare helid iyo hanasho mansab gaar ah.

 Waxaa si an toos ahayn u buunbuuninayey dhiirrina galinayey dowladihii gumaysiga oo doonayey in saamayntoodu dalka ku sii waarto iyo kuwo carbeed oo laftigoodu u gogol xaaranayey soo galitaan. Waxaa la ogsoon in qaarkood ka faani jireen oo horistaageen qoritaanka af somaliga(sii kasta oo loo qoro: cismaniya, carabi ama laatiin) waligoodna ayna aqbalin xataa markii la qoray.
 
Meeshoodii meel ka fog aadna uga xun hadda waxaa galay Ngo, sheegato siyaasadeed iyo ganacsato dagaal oo intuba (ayagoo  danoohooda kaliya eeganaya)xambaarsan  ama  aad iskaga dhawra, ka horimaad iska daaye, in ay dhaliilaan waxa “bulshada caalamku” iyo ku-daba-gabadeyaalkeedu  u geysanayaan dalkooda.

Qolooyinkani waa dameeraha lagu soo raro waxa “bulshada caalamku” ka doonayso dadka somaliyeed, afkaarta ay baahinayaani marka adan u kuur galin way ka sohan tahay kuwii dhallin yarada lixdameeyadii oo ayagu badanaa daacad iska ahaa, sahaydooduna xoog bay leedahay oo waxay u sahlaysaa in la dhagaysto waqtigaan lagu jiro culaadaha,abaaraha iyo shaqo la’aanta lakiin farriinta ay gudbinayaan waa khatar ujeedo fog  leh.

waa kooxan sare waxa u ekaysiinayaa federaalismaha run ka soo burraqday ha’ado :
dhexdhexaad ka ah waxa aduunka ka dhacaya,  u samaysan  daryeelka banii’adanka  oo kali ah iyo in federaalku  u yahay  run la hubsaday oo meel kasta ka shaqaysa maadaama “bulshada caalamku” u    garatayna Somalia in ka horimaatkiisu yahay wax reeban.
  

Nasiib darro, wali lagama helin somali(oo la isleeyahay aqoonteedu waa ka saraysaa tii jirtey 60damaadkii) cid ku dhiirrata in ay shaki galiso in federalismuhu waxtar u leeyahay Somalia iyo in kale si la mid ah sidii shakiga loo galiyey loogana horyimid 60damaadkii  afafkii qalaadaa. Waxaad moodaa in is-weheshi danaysi, fulaynimo, quusasho iyo habaabin qoorshaysani ku jirrabeen dhammaan indhihii somaliyeed(waxgarad, culumaa’udiin iyo aqoonyahan intaba) in ay u bataan dameeru dhaan raacday !!!! 

Waxaa jirta maah maah qalaad oo nuxurkeedu saan yahay: 
Ha la xoorin cunugga biyaha wasakhda ah ee baafka ad ugu mayrtay, macnaa  daadi oo kali ah biya wasakhda ah ee cunugga ha raacin. 

Haadaba waxaan leeyahay qaranka iyo midnimada yaan lala xoorin sadbursiga xooritaankiisa. Federaalismuhu waa qaran la xoorid sadbursi ka carar ama u carar.

Xalka ha laga raadsho in si sharci ah awooda aad loogu badiyo degaannada ayadoo an la abuurin dowlo goboleedyo dal ka mid ahaanshaha  afka un ka sheegta lakiin an u xakamaysnayn  wax sharci qaran ah oo dhexe. 
aqri maqaalkan .

  Cabas c. cabdullahi

Share on Facebook

Become a Fan

Halkan ka dhiibo Aragtidaada adigo Anshaxa K24 ilaalinaya

2 Responses to Dhibaato kuwii u walqalow waataa eh dhinac u dhaqaajiya.

  1. wadaad yare says:

    Walaal Cabbaas

    Maqaalkaagu xaqiiqduu ka hadlayaa,laakiin dadka u cararaya federaalku iyagoon qaraarkiisa dhadhamin lagama karayee ha arkeene waa in loo kaadiyo. Hadda haddii inta baarlamaanku fariisto uu laalo ama wax ka baddalo federaalka, kacdoon ayaa meelaha qaar dalka ka mid ah ka dhacaya. Marka labo gooraba waxaa ii muuqata inaan la hureyn iska hor imaad. Mar isagii lagu dagaalo ama in si loo gaaro loo dagaalo.

    Markii xanuunka federaalku dadka wada saaqo oo allow maxaa noo geeyey la yiraahdo ayaa xalka si dhab ah loo wada raadin doonaa.

  2. warsame says:

    Anagaa muqdisho iska leh ayaa fadaraalka dhashay,waxayna hada ku darsadeen in ay dhahaan anagaa dowladana iska leh,waxayna arintaasi sababi kartaa fadaraal iska daaye in dalku kala dhaqaajiyo waayo cidna in ay beel kaliya u afduubnaato yeeli mayso.Sida fiican ee soomaalinimo iyo islaamnimo lagu heli karo waa in beeshaasi dhibka joojiso soomaalina wax la qaybsato.

WARARKII