Odoyaal ku Sugan Madasha Shirka Kismaayo oo ka Jawaabay Hadalkii Ra’iisul Wasaare Saacid

Kismaayo24 News:

odoyaalIyadoo Maalinimadii Shalay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi faarax Shirddoon uu ka hadlay Shirka Maamul u Sameynta Jubbooyinka iyo

Gedo oo Magaalada kismaayo ka Furmay ayaa waxaa arrintaa ka jawaabay qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee haatan ka qayb galaya Shirka Kismaayo ka Furmay.

Nabaddoon Cabdi Keeynaan Xirsi oo ka mid ah odoyaal Kulan gooni ah ku yeeshay Magaalada kismaayo ka gadaal Hadalka ka soo Yeeray Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay baaq u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan Odoyaasha ah ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka Fogaado hadalada xanafta leh ee lagu sii kala fogeynayo Shacabka Soomaaliyeed iyadoona loogu baaqay inuu ka fogaado hurinta sidii shacabka loo kala gayn lahaa.

Nabaddoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin lana shaqeynayaan ra’iisul Wasaare Shirddoon laakiin hadaladii ka soo yeeray ay ahaayeen kuwo aan wanaagsanayn isla markaana sii kala fogeynaya Umadda Soomaaliyeed.

Nabaddoonka ayaa sheegay in maamulka loo sameynayo Gobolada gedo iyo Jubbooyinka in ay ka mid yihiin Maamulada kale ee dalka ka dhisan isagoona hoosta ka xarriiqay isla markaana is weeydiiyay sababta Jubba land uun Isha gaarka ah loogu hayo.

Cabdi keeynaan ayaa sheegay in uu sii socon doono shirka Kismaayo uga bilowdey Xubnaha Maamul u Sameynta Goboladaas isla markaana ay ugu baaqayaan Dawladda Soomaaliya in ay ka soo qayb galaan shirka Doorkoodaana ay qaataan iyadoo maamulkaasina uu hoos tagayo dawladda Federaalka Soomaaliya lana mid yihiin maamulada kale ee dalka ka dhisan ama ka dhismi doono.

Hadalka Odoyaashan ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay War saxaafadeed uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Saacid uu ka biya diiday Shirka Kismaayo oo uu ku sheegay inuu yahay mid aan loo soo marin habkii Sharciga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inaysan aqoonasanayn maamul kasta oo Kismaayo lagu soo dhiso wax wada shaqayn ahina aysan la yeelanayn arrintan oo ka careysiisay Odoyaasha Dhaqanka ee Maalintii Shalay Kulanka ku yeeshay Magaalada Kismaayo jawaabtana ka soo jeediyay.

Xafiiska War Qabadka Kismaayo.ee Muqdisho.

Comments:

3 Comments

  1. kamaal March 2, 2013 at 5:58 pm - Reply

    Ku nabadoon keenyaati,

    Raysal wasaaruhu qabiil ma shido mana rabo wuuna ka wayn yahay qof qabyalad shida abkiisna waa mareexaan oo aan qabyalad lagu habin sida caanaha oo farac uma laha inuu qabyalad ku hoos dhuunto…

    lakiin waxaa jirta in kablalax ay wadaan siyaasad qarmuun oo ay rabaan inay sharafta iyo karaamada uga qadan raysalwasaaraha taasna raysawasaaruhu yeelin maayo sadena yeeli maayo in raysal wasaaraha la damco in sharaftiisa lagu kaadsho si danaha la doonayo loo marsado…

    Sade yeeli maayo in buunka qabiilka la garaaco ayadoo la rabo in sharafta iyo karama iyo jiritaanka raysal wasaraha la rabo in lagu dilo ayadoo la doonayo in qiyaan la sameeyo sacid ma oran maamul ayaan idiin dhisayaa sacid ma oran maamul la dhisan kartaan sacid wuxuu yiri isoo hor fariista oo aan arko waxaad wadaan…

    waxaad wadaan haduu yahay wax somali oo dhan ay raali ka tahya wax dhista hadii ay waxaad wadaan uu yahya sad bursi iyo qiyaano isa soo saxa anigu idin saxi maayee warkaas war xun maha lakiin hadii la rabo in been iyo qabyalad la rabo in raysal wasaaraha jiritaankiisa lagu duuqo Sade yeeli maayo saacidna yeeli maayo…

    Hadii kablalax ay doonayaan in ay Saacid jiritaankiisa ku duugaan af iyo qabyalad Sade yeeli maayo waa siyaasad cad oo ninka aqoonta leh keliya garan karo in SADE OO MAANTA AH RAYSAL WASAARAHA SOMALIYA JIRITAANKIISA KABLALAX AY DOONAYAAN INAY KU DUGAAN QABYALAD SADE YEELI MAAYO…

    ee kablalaxow is daji maarkaan xukunka hayno jini waa isku ridi jirtaye hadii kale SADE WAA YAQAAN SIDA JINKA LOO SAARO….OO SOMALI AAN WAX LA QAYBSANO……ANAGOO BUURTA QABYALADA FUULIN AYADOO AAN DANO GAAR AH LEENAHAY…..

  2. abdulkadir March 3, 2013 at 2:09 am - Reply

    ASC.
    CAKU FEDERAALKAAN JINNI.
    War dadkani ma waalanyihiin, bal day ”shirku wuu sii socona dawladda waxaan ugu baaqayna inay ka soo qaybgasho siyay kaalinteeda uga qaadato”. Waa alifle taliyihi ciidanka wax fara. Nimankani waxay qabaan inay maamul goboleed & Dawladda Somali inay simanyihiin. War wax kale yaysan iskiin tusine ILAAHAY ka cabsada shar baad naadinaysaane. WBT.

  3. nur March 20, 2013 at 8:05 am - Reply

    shirka ka furmay gobolka jubada hoose ee loo dhan yahay wax fara gelin uu mp u shaqo ku leyahay ma jiraan iyo madaxweynahaba waxa kalia soo dhisida maamul goboleydka juboyinka ay isku raacan ayayay muhimadu tahay deetana ay u gudbiyaanmamulka federalka somaliya ay ansixiso goamada ay gobolkasi gareen si ay waliba ku tagertohrumarintageedi socdka bulshada gobolka si diiran hadii shirdoon u farahaha la soo galo iyagoo odayasha isimada gobakasi kismayoay bilabantii mamulgoboledkii uu shirdon faraha la soo galo meesha waxaa soo if baxaya non democraci of cchoise ayna isu badaleyso xukun meleteri sidii awood u shegashada civil rights waxaa haboon in u ka tanasulomadax isla weynida ku soo fidaysa maskaxdiisa qore nur kosta kismayo feel free we love you…

Leave A Comment