Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa manta soo garay wafdi heer saraakil ah oo ka socda Dowlada Fadaralka Somalia.
Wafdigaan oo ahaa Saraakiil Ciidan oo uu horkacayay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Somalia Gen Adan Indhoqarsho ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyay Taliyaha Guud ee Ciidamada Amisom Gen Guti,
Wafdigaan ayaa marki ay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo soo gareen waxaay kulamo saacdo qatay la yeesheen Saraakisha Ciidamada Amisom ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose ayado kulankaasi diiraada lagu sarayay Isbadalo lagu sameyn rabo hogaanka Ciidamada Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Wafdigaan ayaa Marki ay ka soo dhamaaden kulamadi ay la lahayeen Saraakisha Amisom ayaa waxa boqdeen Xerada ay dagan yihiin Ciidamada Dowlada Somalia ee dhawaan ka yimid Magaalada Ceelwaaq waxaayna halkaasi khudbado uga jeediyeen Ciidamadi Dowlada waxaay sido kal u qaybiyeen Mushaaradki Ciidamada.
Inti saraakiishaasi ay boqashada ku joogen Xerada Ciidamada Dowlada Somalia ayaa waxaa Ciidamadan la baray Taliyaha Cusub ee Ciidamada Somalia ee Gobolada Jubboyinka ee dhawaan lagu badalay Gen Saxardiid sido kale Taliyaha Cusub waxaa la baray Saraakisha Amisom ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose .
Wafdigaan lama usan socon Wasiirka Gaashandhiga Somalia mudane Fiqi sida ay qoreen Warbaahinta qaar waxana uu ahaa wafdi heer saraakiil ah.
Waxaa Xusid mudan in Saraakiishan aysan marki hore ba soo wargalin Maamulka kmg ah ee Magaalada Kismaayo ujeedada ay u yimadena ay ahayd labo qadob waxaana labada qodob ba ay ka dhacayeen Agagaarka Garoonka Calamiga ah ee Kismaayo.
1- In la isbaro Taliyaha Cusub ee Ciidamada Dowlada Fadaralka Somalia u qabilsan Jubboyinka islamarkana badalay Gen Saxardiid iyo Saraakisha Amisom ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.
2- Boqasho la soo boqanayay Ciidamada Dowlada Somalia ee dhawaan soo garay Magaalada Kismaayo iyo bixinta Mushaaraadkooda.
Wafdigaan ayaa marki ay dhamaysteen Ujeedki ay u yimadaan waxaay toos ugu duleen Magaalada Muqdisho oo marki hore ba ay ka soo duleen.
————————————————
Maxamed Cabdi Cali
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk AL shabab ayaa mishaar lasiyay cajib.
OO MAXEY ULABTEN KISMAYO AYAY KHABSAN LAHAYEN WAA ISBAHESI CUSUB IYO LACAG CUSUB JANARAL SAXARDIID CUSUB SHAKO CUSUB DOWLAD CUSUB WALINI CUSUB 6GOOBOL SHIR CUSUB BAAYA IYO BAKOL CUSUB 8 IYO 9 00LAGUBIIRO