News In English

K24 Youtube SEKANO GROUP
visitor analysis

Akhriso qaabka Dowladaa Somalia ay isku raacisay Gobolada Somalia.

Halkaan waxaan idin ku soo gudbinaynaa qorshe ay dajisay Dowlada Somalia oo ah sida Mustaqbalka  la isku raacinaayo Gobolada noqonaya Dowlad Goboleedyada ka mid noqonaya Dowlada Fadaralka ah.
Qoraalkaan ayaa sida  aad arki dontiid waxaa ku cad in la israacinaayo gobolada Bay , Bakool, Gedo waxaana durba  arinkaas dareen ka mujiyay Shacabka Gobolka Gedo  oo sheegay in Gobolada Bay iyo Bakool ay xataa is luqaad aqoon  sidaas daraadedna aysan wax wada qaybsan karin.
ROAD MAP FOR LOCAL ADMINISTRATIONS FORMATION IN SOUTH CENTRA SOMALIA
Qaybta hoose  ka Akhiro qoraal kooban oo aanu ka soo qaadnay Qorsha Maamul usameynta Konfurta iyo Bartamaha Somalia ee ay dajisay Dowlada Somalia .
Qoraalkan oo Originaal ah  islamarkana  dhamaystiraan waxaa uu yaala qaybta ugu hosaysa ee Warbixintaan.
ANNEX
-
1
ROAD MAP FOR LOCAL ADMINISTRATIONS FORMATION IN SOUTH CENTRA SOMALIA
.
Regions at a glance
Meanwhile for the
government to pursue its goal of re
-
establishing Local government institutions
at grass root level are worth to consider the status of existing local administrations, noting vide
the table below
.
Local Administrations in South & Central Somalia at a glance
Category
Regions
Status
Suggestions
A.
Mudug
-
Under Galmudug State
government
The Somali Federal Institutions will
collaborate and consult with Galmudg
Administration, MPs & other local
stakeholders the way forward for
establishing interim and permanent
administrations.
-
Government to ratify by confirming
appointments proposed by the local
stakeholders.
-
government support agencies in law, order,
and providing social services.
B.
Galgadud
-
Ahlu Sunna Waljameca
administration controls most
districts
-
Adado
district under Ximiin
iyo Xeeb administration
-
One or two districts still to
be liberated
-
Seeking for govt support in
setting up of a regional
administration
The Somali Federal Institutions will
collaborate and consult with existing
Administrations, MPs
& other local
stakeholders the way forward for
establishing interim and permanent
administrations.
-
Government to ratify by confirming
appointments proposed by the traditional
leaders and other stakeholders.
C.
Hiraan, Middle
Shabelle & Lower
Shabelle
-
Partly liberated.
-
Govt appointed Interim
Governor & DCs in place
-
Incomplete administration
-
As soon the remaining districts are
liberated in consultation with the existing
interim administrations & MPs and other
stakeholders for establishing the interim
and
permanent administrations.
-
government support agencies in law, order,
and providing social services.
D.
Bay, Bakool &
Gedo
-
Partly liberated
-
Under incomplete and long
time interim regional /
district councils.
-
Regional Governor in Bay
Region is already
ratified by
the Government after
proposal from the
stakeholders such as the
elders and MPs.
-
Government to ratify by confirming
appointments proposed by the local
stakeholders.
-
As soon as the remaining areas are
liberated, the govt in consultation with
the
area administration, MPs & communities
facilitate & support in filling the vacant
council members positions.
-
government support agencies in law, order,
and providing social services.
Halkan   hoose  ka aqris Qoraalkan oo  PDF ah

ROAD MAP FOR LOCAL ADMINISTRATIONS FORMATION IN SOUTH CENTRA SOMALI

Halkan ka dhiibo Aragtidaada adigo Anshaxa K24 ilaalinaya

10 Responses to Akhriso qaabka Dowladaa Somalia ay isku raacisay Gobolada Somalia.

  1. Ahmed says:

    Si dhaas waa sidha fiican

  2. shire says:

    waxaa Cajiib ah in dadka reer Gedo oo ey indhahoodu furan yihiin, habeen iyo maalina cadeeyey moowqifkooda ku aadan qaabka is raaca gobolada dalka, dhaqan abtirsiimo iyo deegaan is dhex galna la leh Gobolka jubbada hoose in eey dowlad ku sheega xasan sheekh maxamuud dooneyso si jajuub ah ineey ku raaciso bay iyo bakool oo halkaas jubbada hoose iyo dhexe qasab lagu raaciyo shabeelada hoose.

    soomaalidu waxey ku maah maahdaa tuug waxaa ugu doqonsan kan dadka oo weli aan seexan isku daya inuu wax xado kkkkk

    hadii eey dowladu isku daydo falkaas isaga ah ee qiyaamada isir naceybka ah ku saleysan isku daydo, dadka reer Gedo kalsoonida waa eey kala noqon doonaan Raiisul wasaaraha iyo madaxweynaha iyagaa yaqaan markaas Cidii eey masuuliyad u hayaan iyo meesha eey la aadayaan nac nacdooda.

  3. daacad says:

    horta qoladan xamar joogta way walan yihiin waxasina maha wax suuro gal ah dadka daga gobolada somaliyaa iyaa sheegay nin waliba waxuu raali ka yahay ee uu doonayo maaha inay dawladu jujuubto dad xor ah oo dhashay iyagoo xor ah oon cidina khasbayn cidina u aqriyan waxay doonayaan gobolka gado waaba dhamaatay oo waxaa hadhsanuun inaa lagu dhawaqo juboland state in kastooy iyagu yara caga jiidayeen mar horaa la dhamayn laahaa laakiin imika way fahmeen jarta lala maganaa inay ahay khayaamo si loogu daro bay iyo bakool taasna way diideen reer gado waxayna la midoobayaan walaladooda daga labada jubo ooy is dhaqan yaqanaan is dabeecad yaqanaan wada dhasheen

  4. eelaay says:

    Waxaan idinleeyahay maxaa diidaaya in bay iyo gado iyo bakool laysraaciyo
    reer gado ha ogaadeen in gado 30 kii sano ee lasoo dhaafay ay uun fikirkaan qaateen laakiin ka hor waxay ahayd dhul raxawayn mareexaanna marti sharaf ayuu ka ahaay….

  5. boos says:

    Bis,Asw. anigoo ku hadlaya magaca iyo maamulka Jubalan state waxaan cambaareeynayaa go’aankii Gafka,gardarada,iyo xadgudubka ahaa ee kasoo yeeray dowlad kusheega xamar degan,kaasoo keeni kara bur-bur,dowlad la;aan iyo dagaal sokeeyo oo horleh.

    hadalkaasoo aan laga fiirsan loona meel dayin,waxaan cadeynayaa in hadalkaasu yahay haddaaq dabayshu soo qaaday,oon waxna udhimi karin midnimada iyo israaca maamulka jubaland State.

    Xamar,waa caasimadii soomaliya waxay ku tahay in qofkasta oo soomaali ah oo xor uyahay nabad galyadiisa,goortuu rabo uu tagi karo,kana bixi karo.maamulka jirana ka qayb qaadan karo, haddii loo baahdo,iskadaa in bulshada soomaaliyeed ay guryahoodii kunoqdaane waxaan ognahay,

    in gudooye Tarsan qudbad qiimo badan ujeediyay beelaha Hawiye iyo Gudoomiyayaasha Gobolka banaadir asagoo ugu bishaareeyay in ay maanta noqotay markii ugu horeeysay oo 16- degmo ee xamar ay kataliyaan beelaha hawiye,
    waxaan balan qaadayaa inaana la’idin gumeysan.

    waxaa intaas dheer dadka soomaaliyeed ee dowladnimadu dhab katahay waxay maxbus ku yihiin Hoteelada xamar ku yaala. maanta waxay kaloo kutalisay sharci laraacayo kuma jirto caasimada,waxaa intaas kasii daran in afhayeenka beelaha hawiye uu wakiil ka yahay jubaland oo u gardaro ku tilmaamay Axmed madoobe in uusan kismaanyo imaan karin in asaga loo soomaro mooyaane,lama yaabayo

    waxaa la mid ah Adan madoobe oo Baydhabo ka shashay inuu masuul ka yahay 6-da gobol ee koonfuta soomaaliya,lama yaabayo waxaa kasii liito kuwa iyagoo nool magacoodi iyo miisaankoodii lamatalayo iyagoo joogo muuqaalka siyaasadeedna ka dhex muuqdo

    waxaan idin karbnaa jawaab deg-deg ah oo ku wajahan dadka iyo deegaankaad xildhibaano utihiin

    haday kadib dhacdo 72.saacadood ee soo socota waxaan bulshaweynta darood ismaciil usheegayaa in aysan jirin xildhibaan xamar noojoogo,

    waxan xamar ku lahayn guri bulikeeti ah waan ka maarmaa waxaan mid muraayad ah ka dhisanayaa Kismaayo,Garawe,Gedo,Gaariso,iyo Godeey,madaxweyne xasan sheekh iyo Gudoomiye tarsan waxay soo gabogabeeynayaan in xamar caasimad soomaaliyeed noqoto oo dib loogu wada noolaado.

    Wax garadka jubaland waxaan si soomaalinimo ah idiin kaga xaal marinayaa gafka la’idiin geystay waxaanse idin kula dardaarmayaa in aad intaad dulqaadan karkaan dulqaadataan
    dantiinana aad wadataan inta dan guud iyo dowladnimo lahelayo

    wab-towf

  6. boos says:

    walaale sharciga adiga gaarka kuu qabto oon websidyada dayniile iyo kuwa kale aan qaban ma iisheegi kartaa

    maxaad uqarinaysaa maqaalkayka waa qof fikirkiis waxaana qabaa inay wax badan badeli karto

  7. boos says:

    cadaaladda xor unoqo aragtida bulshada kala duwan dhexdhexaad ka noqo wixii adigoo maqan laguu xeer dhigtaa laxiiriyaa,saxaafadana haka been sheegin

  8. Darood says:

    Somalidu waxay ku maahmaada “Nin ku dilay hadh kuuma jiido”, Fidnadu way shay xaaran ah, laakin haddii ninkii dadka laayey, dhacay, welina hanti dal iyo mid dadba khasab ka haysta diidan yahay inuu wax Somali oo dhan u hagaagan waa nasib xumo wayn oo xal keedu ilaahi kelidisa keeni karo.

    Waxaan u jeeda dadka hadda maamulka ummada Somaliyeed gacanta loo geliyey, horena waxaad dhib keenteen la arag markaad naga rideen, dawladdii haybadleh Mohamed Siad Barre(Wallahi Darood Koonfuredba ma ahi), wixii ka danbayey oo aad muslin dhib u geysteen cid kastaba ha ahaato, hadana weli dulinimo iyo qabyalad dabada ka wadaan. Daroodna waxaan leeyahay, meel kasta ayaad degta ee adigu tasho oo dadkan dhaafa, waxba inagama dhexayan. Xamar cid isku aaminaysa oo maatadeda ku aaminsaysa ayaaba iska yar. Long life Jubba Land, Puntland, Khaatumo Land, Maakhir Land, kililka shanaad Lanad, Nfdland. Also long life Somali land too. Forget the rest dam rest.

  9. kooshin says:

    Maddaxweyne hassan culusooow iyo dawladdiisaba waa in kalsoonida lagala noqdo, waa iska caddaan in sheekadaan Faroole ka danbeeyo oo culusoow dhagta wax ugu soo sheegay, si beesha sade miisaan culus ugu yeelan jubbada hoose iyo jubbaland, laakiin inay fashil ku dhamaanayso waa la wada ogyahay, Faroole iyo culusooow naguma jujuubi karaan raacitaanka Bay iyo Bakool ee ha is daalina yaa ku yiraahda.

  10. calanley says:

    waan ku farax sanahay arintaan lagu raaciyay gedo baay iyo bakaal waxanse ka sii jeclaan lahaa in sade la dhaho meesha waxba idima yalaan sababtoo ah deegankoodu waa galgaduud waana laga soo xooga oo ceyr ayaa ka soo eryaday jubbada hosena waxba kuma laha qoraalkana dowladu waxey hor dhigtay unka iyo waliba baarlamaanka somaliya cod buuxa ayaana loo qadayaa ninkii soo joog laga waayo soo jiif ayaa laga helaa jubba land waad ku noolaan kartaan laakin xil kama qaban kartaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII