1231118_524141844366561_1636623398_n

Ra’iisal Wasaaraha oo u tacsiyay qoyskii iyo eheladii Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale

Inaa Lilaalhi wa inaaa Ilaahi raajicuun

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eheladii iyo dhamaan xubnaha Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya asagoo uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Xildhibaan Maxamed Faarah Jimcaale oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho
.
“Inaa Lilaahi wa inaa Illaahi Raajicuun, waxaan qoyskii, eheladii iyo dhamaan Xildhibaanda Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale waxa uu kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya. Waxaa uu maanta ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalda Muqdisho saacado kooban kadib markii halkaas loo keenay xanuud kusoo boodo ah oo dhanka caafimaadkiisa la xariira.

DHAMAAD

Kismaayo 24 News Agency Kala Xariir Email ka ah Kismaayo24@yahoo.com

Halkan ka dhiibo Aragtidaada adigo Anshaxa K24 ilaalinaya


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararkii Ugu Danbeeyay

kenya Top News: Kenya oo Fashilisay Heshiiskii Kismaayo xalay lagu garay
- Apr 18, 2014
Magaalada Kismaaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo maalmihi ugu danbeyay u ka socday ...
Axmed Madoobe Beesha Xawaadle oo ku tilmaamtay Maamulka KMG ah ee Juba mid fashilmay oo aan loo dhammeyn.
- Apr 18, 2014
Golaha Marjaca beesha Cabdi Yuuusuf oo ka tirsan beelweynta Xawaadle , kuna mideysan yihiin ...
20140417_134425 (1) Maxay ku soo dhamatay Boqashadi Raisalwasare Abdiweli ee Kismaayo.
- Apr 18, 2014
Kismaayo, April 18.2014—–Munaasabad gabogabo u aheyd socdaalkii shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ...
Kenya-Flag-Wallpaper-150x150 Dhagayso Ambasador Sandheere: Amisom kenya waxaay dalbatay in Ciidamada so galaya la baro Xaquuqul insanka mudo 14 bari ah….
- Apr 18, 2014
Ambasador  Sandheere oo asagu ka mid ahaa  wafdiga Railsawaraha Somalia ee maalmahan ku suganaa ...
kismaayo Qabanqaabada Shirki dib u heshiisinta Gobolada Juboyinka oo ka socota Kismaayo
- Apr 18, 2014
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda Qaban qaabadii ugu danbaysay ...
kay Dhagayso Qaramada Midobay oo taagertay Dadaalada u RW Abdiweli ka wado Kismaayo
- Apr 18, 2014
Mr. Aleem Siddique Afhayeenka UNSOM ee Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay u ...