1231118_524141844366561_1636623398_n

Xogta Villa Somalia ” Xuseen Xalane ayey isku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ”

Wararka kasoo baxaya Villa Somalia ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud isku mari la’yihiin magacaabista Xuseen Xalane oo ka mid noqda wasiirada cusub.

Ra’iisul Wasaare Dr, Abdiweli Shiikh oo hadda u dhamaatay inta uu magacaaban yahay bil ayaa waxaa uu ilaa hadda ku dhawaaqin golihiisa wasiirada, waxaana taasi sabab u ah muran kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh oo raba inuu ku darsado wasiiro isaga uu wato golahaasi.

” Ra’iisul wasaaraha waxa ay madaxweynaha isku hayaan Xuseen Xalane oo uu wato, waxaana uu Dr, Abdiweli Shiikh dalbanaya in isaga loo madaxbanaaneeyo magacaabista wasiirada,haddii u doono xalane ha keensadee” ayuu yiri siyaasi ka agdhaw Villa Somalia oo codsaday in aanan magaciisa shaacin.

xasan iyo abdiweli iyo xalane

Xuseen Xalane ayaa waxaa uu xulufo hoose la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxda lagu tiriyo ee Daamujadiid, taasi oo uu Ra’isul wasaaraha uga shaki qabo haddii uu kusoo daro golihiisa wasiirada inuu hadhaw noqonayo wasiir ku xiran madaxtooyada oo aana sidii kuwii Saacid oo kale aan iman doonin shirarka golaha wasiirada.

” Ra’iisul wasaaraha waxa uu xaq u leeyahay inuu doorto rag iyo dumar uu aqoontooda ku kalsoon yahay ee la fahamsan shaqada, laakiin haddii rag meelo kale ku xiran uu soo magacowdo waxaa ku dhici doonto midii heshay Saacid Farax ” ayuu yiri siyaasigan la hadlay warbaahinta K24.

Xuseen Xalane waxa uu wax ka degan yahay madaxtooyada Soomaaliya taasi oo shakiga uu  ka qabo Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh sii kordhiseysa. Maadaama aysan sahlaneyn in qof aan xil ka heyn madaxtooyada uusan sahal ku degi karin madaxtooyada.

Khilaafka xubintan uu ka dhex dhaliyey labada mas’uul ee dowlada ugu sareysa ee muddo bil ah  wada shaqeynaya ayaa waxaa uu noqday midka ugu badan ee dib u dhigaya hadba in la magacaabo xukuumada cusub. Waxaana la ogeyn sida ugu sahlan ee looga gudbi karo cabaqadaasi.

Warar kale ee ku dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu diyaarsaday shaqsiyaadkii uu golihiisa wasiirada ka dhigan lahaa balse uusan helin wadatashi la isku raacay oo uu la qaato Madaxweynaha.

Wixii warar ah ee kusoo kordha wararkeena danbe ee K24 kala soco.

Kismaayo 24 News Agency Kala Xariir Email ka ah Kismaayo24@yahoo.com

Halkan ka dhiibo Aragtidaada adigo Anshaxa K24 ilaalinaya


Fikradaha Akhristayaasha (6)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararkii Ugu Danbeeyay

kenya Top News: Kenya oo Fashilisay Heshiiskii Kismaayo xalay lagu garay
- Apr 18, 2014
Magaalada Kismaaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo maalmihi ugu danbeyay u ka socday ...
Axmed Madoobe Beesha Xawaadle oo ku tilmaamtay Maamulka KMG ah ee Juba mid fashilmay oo aan loo dhammeyn.
- Apr 18, 2014
Golaha Marjaca beesha Cabdi Yuuusuf oo ka tirsan beelweynta Xawaadle , kuna mideysan yihiin ...
20140417_134425 (1) Maxay ku soo dhamatay Boqashadi Raisalwasare Abdiweli ee Kismaayo.
- Apr 18, 2014
Kismaayo, April 18.2014—–Munaasabad gabogabo u aheyd socdaalkii shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ...
Kenya-Flag-Wallpaper-150x150 Dhagayso Ambasador Sandheere: Amisom kenya waxaay dalbatay in Ciidamada so galaya la baro Xaquuqul insanka mudo 14 bari ah….
- Apr 18, 2014
Ambasador  Sandheere oo asagu ka mid ahaa  wafdiga Railsawaraha Somalia ee maalmahan ku suganaa ...
kismaayo Qabanqaabada Shirki dib u heshiisinta Gobolada Juboyinka oo ka socota Kismaayo
- Apr 18, 2014
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda Qaban qaabadii ugu danbaysay ...
kay Dhagayso Qaramada Midobay oo taagertay Dadaalada u RW Abdiweli ka wado Kismaayo
- Apr 18, 2014
Mr. Aleem Siddique Afhayeenka UNSOM ee Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay u ...