Guux xooggan oo ka dhashay heshiiska amni ee kal hore kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka billowday Baarlamaanka, ayada oo xildhibaanada qaar kamid ah ay dalbadeen in sida ugu dhaqsaha badan loo horkeeno heshiiskaasi.

Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dhaawac weyn u geysaneyso dowladnimada tallaabada ay dowladda si iskeed ah ugu hirgelisay heshiiskaasi, ayada oo lasoo marin baarlamaanka.

“Laanta fulinta ee dowladdu waa inay keentaa Baarlamaanka heshiiska amni ee ay la gaartay UAE, si dib u eegis loogu sameeyo, looga doodo, lagana turxaan bixiyo qaladaadka ku jire ee dhaawaca u geysanaya madaxbanaanida dalka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis.

Waxa uu sheegay in heshiiska dowladda federaalka iyo Imaaraadka uu hirgalay, ayada oo ogolaansho laga helin baarlamaanka, “taas oo keeni doonta dib dhac, dhaawac ku yimaada hanaanka dowladnimo iyo madax-banaanida.” sida uu sheegay.

“Waa in la siiyaa Baarlamaanka doorkiisa oo aan la lumin isku-dheelitirka hay’adaha dawladda iyadoo la eegayo danta dalka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis.

Xildhibaanka ayaa wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee Baarlamaanka inay u istaagaan ilaalinta madax-banaanida dalka, “waa in aan gudannaa mas’uuliyadeenna koormeer ee Hey’adaha kale dowladda.”

Hoggaanka baarlamaanku ayuu ugu baaqay in uusan ogolaan in baarlamaanka noqdo mid aan la xisaabtamin dowladda, islamarkaana ay ku qasbaan laanta fulinta in heshiisyada ay dowladdaha shisheeye la gasho ay keento baarlamaanka.

“Waa in aanu u oggolaan hoggaanka BF in baarlamaanku noqdo mid aan ilko lahayn, oo ay xaqiijiyaan in laanta fulinta ay ku qasbaan sida nadaamku yahay ay keento baarlamaanka heshiisyada ay diwladaha shisheeye la galaan.”

Si kastaba, Heshiiska amni ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxaa markii u horeysay ka dhashay guux, ayada oo markii dambe uu qaboobay, haddana waxaa hadda muuqata in markale uu istaadhmay guux xooggan oo la xiriira heshiiskan.