Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC.

Dagaalka ayaa lagu soo warramauaa in xoogiisa uu ka socda bariga iyo galbeedka magaalada oo ay haatan isku fara saarayaan ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo la sheegay in ujeedkooda inuu yahay inay la wareegay fariisimo ay soo banneeyeen ciidamo beeleed ku sugnaa duleedka magaalada Laascaanood ee xaeunta gobolka Sool.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa, kala duwan, ayada oo dhawaqa hubka laga maqlayo meelo fog fog.

Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socota duqeyn xoogan, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dagaalka uu socda, isla-markaana ay gurmadyo helaan ciidamada labada dhinac.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.