Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Finland, MR Jukka Pajrarinen.

Kullankan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd safaaradda FINLAND ee Soomaaliya, waxaana looga wada-hadlay dib u bilaabida wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo dhawaan uu markale garwadeen ka noqday ergey Guuleed.

Ergeyga ayaa waxa uga mahad-celiyay agaasimaha iyo safaaradda doorka dowladda Finland ay ka qaadatay dowladd dhiska Soomaaliya, isaga oo warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wada-hadallada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay agaasimaha iyo safaaradda-ba in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland, xilli ay socdaan dadaalada dib loogu bilaabayo wada-hadallada labada dhinac.

Mr Jukka Pajrarinen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhankiisa u muujiyay ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya kaga caawiyaan dadaalada lagu xoojinayo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday inay dowladdiisa ay gacan ka geysan doonto ka mira-dhallinta wada-hadallada Somaliland.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii April u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada, si uu taageero ugu helo wada-hadallo guuleysta.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabto Somaliland.