Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa faro-gelisay arrin labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka taagnayd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo saameyn ku yeelatay hab sami u socodka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Hay’adda ayaa sheegtay in maalmihii u dambeeyay ay soo gaarayeen cabashooyin la xiriira rakaab ku daahay gudaha garoonka, gaar ahaan qaybta Terminalka, taas oo ay ugu dambeyn xalisay, kadib markii ay dadkaasi u dirtay magaalooyinka ay u safrayeen.

Sidaas daraadeed Hay’adda Duulista Rayidka oo ka duuleysa dhibaatadaasi ayaa soo saartay saddex qodob oo ku socdo dhammaan shirkadaha diyaaradaha, waxayna kala yihiin:-

1-In aan rakaab lasoo xareyn karin waqti ka badan 3 saac kahor, xilliga ay diyaaraddu kici lahayd.

2-In laga bilaabo 2-05-2023 aanay rakaab soo xareyn karin shirkad aan haysan diyaaraddii ay rakaabka ugu adeegi lahayd.

3-Shirkaddii jebisaa qodobada kor ku xusan waxaa lala tiigsan doonaa sharciga, waxayna wajihi doontaa ciqaab waafaqsan Sharciga Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay shirkadaha kala shaqeyn doonto fududeynta tasiilaadka ay u baahan yihiin, si ay shaqada ugu socoto hannaankii loogu talagalay

“Haddaba Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shirkadaha diyaaradaha la garab taagan tahay wixii tasiilaad ah ee u fududeynaya inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan sharciga” ayay tiri May’addu.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah mid mashquul badan ayaa waxaa maalin walba isaga kala goosha diyaarado u baxa gobollada dalka iyo kuwo caalami ah oo isaga kala goosha waddamada kale ee ku yaal caalamka.