Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dalalka Afrika, isagoo ku eedeeyay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatada gudaha qaaradan ka jirta.

Ruto ayaa si gaar ah isu dultaagay lacag dhan 85 milyan oo dollar oo loo uruurinayey dib u dhiska Soomaaliya, taasoo uu sheegay iney Midowga Afrika ku fashilmeen in lacagahaasi ay ka uruuriyaan dalalka Afrika, si aan loogu baahan kaalmo shisheeye.

Waxa uu hadalkiisa intaasi kusii daray in wixii gurmad ah ee loo baahdo loola cararo oo kaliya Midowga Yurub, isagoo walaac xooggan ka muujiyay dhaqankaasi caadada noqday.

“Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo weydiinta maamulka AU. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85M. Waa waalli. Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal, 60 sano ka dib xornimadooda, ma maamuli karaan $85M oo lagu taageero Soomaaliya? ayuu yiri Ruto.

Waxa uu soo jeediyay in isku tashi lala yimaado, isagoo quus ka muujiyay in lagu tiirsanaado deeqaha iyo deymaha laga helo reer Yurub.

“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa ku daray Willian Ruto.

Si kastaba, bishii Sebtembar sanadkii hore ee 2022 ayuu xilka madaxtinimo ee Kenya ku guuleystay madaxweyne Ruto,isagoo qeyla dhaantan ka jeediyay shirkii u danbeeyay ee madaxda dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Kampala.