Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa xog cusub ka bixiyay mooshinka ka dhanka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee haatan socdo.

Xidlhibaanka ayaa shaaca shaaca ka qaaday in mooshinkaasi lagu deg-degay, isla-markaana xildhibaanada wada ay caqabad ku yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Mudane Cali Xaaji oo deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland ayaa si weyn u difaacay xukuumadda DanQaran, wuxuuna tilmaamay in muddada ay jirtay ay qabatay wax badan.

“Dadka wax dhaliilaya waxaan u arkaa inay tahay dhaliil deg-deg ah, waxaayo waxaan oran karnaa ra’iisul wasaaruhu waa nin shaqo badan,” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray xildhibaanada wada mooshinkaasi ay yihiin kuwo iska dhex-waayay golaha wasiirada, sidaas daraadeedna ay u mucaaradayaan xukuumadda.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay mooshinkan ay damacsan yihiin inay ku fushadaan dano gaar ah, si au dowladda wax uga helaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii ay noqoto dhaliishaada inay iska dhex weysay wasiirada ama dowladda oo qaylinaya, isla-markaana ayu ku saabsan tahay wax u gaar ah, taana dowladnimo kuma dhisanto,” ayuu mar kale uiri Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xamza lagu diyaarinayo magaalada Nairobi oo ay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano dhowr ah oo raba in ay ridaan xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.