Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Villa Soomaaliya, isaga oo ay hareero taagan yihiin ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay lasoo gabagabeeyay.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in sanadka ay jirto dowladdiisa ay xooga saartay arrimaha ammaanka, xoreynta dalka iyo deyn cafinta oo muhiim u ah horumarka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo intiisa badan shirkan jaraa’id diiradda ku saaray heshiiskii siyaasadeed ee xalay la gaaray ayaa sheegay in dalka uu guuray, uuna ka tegay dhammaan nidaamyadii hore ee wax lagu soo dooran jiray, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalka waa guuray wuxuu ka guuray nidaamyadii hore ee uu ku saleysnaan jiray, odayaal dad magacaaba ka nimiday 50 qof ayaa wax dooraneysa ayaan ka nimiday,” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay bilaabayaan hirgelinta doorasho qof iyo cod oo ay dadka Soomaaliyeed kusoo dooranayaan hoggaankooda heer degmo, illaa madaxweynaha.

“Dowladaha Hoose ee degmooyinka laga soo bilaabo, illaa madaxweynaha jamhuuriyadda lagu keeno muwaadinka Soomaaliga ah inuu doorto oo sanduuq cod ugu rido ayaan rabnaa” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’id ku yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nidaamka xisbiyada badan, nidaamka dimuquraadiyadda, ayaan waxeyneynaa waana bilaabeynaa”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqday inay cabsida iska daayaan, isla-markaana laga rabo inay dhaqaajiyaan taladooda.

“Shacabka Soomaaliyeed ayay u taallaa annaga waan billownay, iyagaa loo soo bandhigayaa Baarlamaanadooda ayaa la horgeynayaa, bulshadooda rayidka meel walba ayaa looga hadlayaa, dadka Soomaaliyeed waxa ay rabaan ayaa soconaya,” ayuu sii yiri.

Golaha Wadatashifa ayaa xalay baahiyey in heshiiska laga gaaray doorashada dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran.