Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed uga beegan Muqdisho.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan uu la beegsaday dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaabm isla-markaana qayb ka ahaa kuwii weerarka kusoo qaaday saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose.

Qoraalka kasoo baxay Africom waxaa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyay hub iyo agab kale oo Al-Shabaab ay ka soo qabsasdeen xerada ATMIS.

Ma shaacin taliska Africom ee Mareykanka khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkaasi ee ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in uusan jirin  qof shacab ah oo wax ku noqday duqeyntaasi oo ay la beegsadeen xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu sii wadi doono taageerada uu siiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagiisa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan ku garab taaganahay saaxibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta Argagixisada iyo horumarinta iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, kadib weerarkii Buulo-Mareer.

Weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, weerarkan waxaa si weyn u cambaareeyay QM, Mareykanka iyo dowlado kale oo waa weyn, kuwaas oo qayb ka ah dalalka taageera dowladda federaalka Soomaaliya.