Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka daah-frutay shir muhiim u ah dhameystirka Dastuurka, kaasi oo socon doona muddo saddex maalin ah.

Shirkan oo u dhaxeeya hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa daah-furay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud.

Banbax-howleedkan oo u dhaxeeya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka iyo Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa looga hadlaya sidii ay qorshe wada-shaqeyneed u dejisan lahaayeen saddexda hay’ad ee loo igmaday dhameystirka Dastuurka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaarada Avv Muumino Sheikh, Xoghayaha Joogtada Faysal Aadan guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka Burhan Aadan, guddoomiyaha guddiga la socodka Dastuurka ee BFS Xuseen Iidow iyo marti sharaf kale.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo shirkaan furay ayaa waxa uu sheegay kulankaan uu yahay wejigii saddexaad ee dhinacyadan iskugu imaadan, ee laga yeesho dib u eegista Dastuurka, “Halkaan waxaa ku dhameystiran hay’addihii iyo guddiyadii u xilsaarna, waa maalin taariikhi ah maanta.”

“Waxaa kale oo ogtihiin in Dastuurka intiisa badan uu diyaar u yahay farsamo ahaan oo dhameystiran yahay in la geeyo Baarlamaanka, marka maanta si geesinimo leh oo dhiiranaan leh u dhihi karnaa wejigii u dambeeyay ee saddexaad ayaa galeyna oo waa maalin taariikhi ah.”

Guddoomiyaha guddiga la socodka Dastuurka ee BFS Xuseen Iidow uu isaguna ka hadlay furitaanka shirkaan ayaa waxa uu sii faah-faahin dheeraad ka bixiyay ajendaha shirkaan oo ah wejigii saddexaad ee dhinacyada ku shaqada leh Dastuurka ay iskugu imaadan.

“Kulankeena ayaa waxa uga hadli doona afar ajende, 1-Qorshaha koowaad waxa uu yahay hanaankii aan ku wada-shaqeyn laheyd, 2-Qorshe mideysan oo dowladda federaalka iyo hay’addaha kala duwan oo Dastuurka uga shaqeynayaan oo Soomaalida fahmi karto iyo dadka na-saacidaya ee raba inay na kaalmeeyaan, 3-Dastuurka waxaa lagu hayay banaanka muddo 10 sano ku dhaw, waxaa la go’aamiyo in Dastuurka la geeyo Baarlamaanka, 4-Jadwalkii uga shaqeyn lahaa Baarlamaanka in aan u gudbino Golaha,” ayuu yiri Xuseen Iidow.

Si kastaba, Shirkan ayaa muhiim u ah dhameystirka Dastuurka, waxayna dhinacyadu diirada ku saari doonaan qorshaha wada-shaqeyneed ee saddexda hay’adood iyo sidii loo sii amba-qaadayo dhameystirka Dastuurka dalka oo muddo badan qabyo ahaa loona dhameystiri lahaa.