Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia waxaa 02 bisha May ka bilaabanaya tirakoob lagu tirakoobayo guryaha iyo dadka Magaalada Muqdisho.

Tirikoobkaan ayaa waxaa fulinaya Hay,ada Staatiskada Soomaaliyeed waxayna noqonaysa Markii ugu horaysay ee tirikoob noocan ah uu magaladaasi ka dhaco ka dib burburkii Dowladi dhexe ee Somalia.

Tirikoobkaan ayaa la sheegay in Madaxweyne Hasan Sheikh u rabo in uu uga faidaysto Doorashada qof iyo codka ah ee la damacsan yahay in ay ka dhacdo wadanka Somalia

Sido kale waxaa qorshaha ku jira in Tirikoobkaan uu ka dhacdo Caasimadaha Dowlada Goboleedyada ka dib na loo daadajiyo Dagmoyinka caadiga ah.

Shacabka Muqdisho ayaa aad u so dhaweyay arinkaan waxaana la filaya in si rasmi ah lo shaaciyo natiijada Tirikoobkaan dhawaan.